WASIIRKA WAXBARASHADA OO IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE FASALKA 8AAD KU SOO XIRAY ISKUULKA MINDIGALE EE GOBOLKA SANAAG

Mindigale, May 27, 2025; Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed ayaa ku soo xiray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8aad Iskuulka Mindigale ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan Ardayda imtixaanku uu u dhammaaday, waalidiintood, Maamuleyaasha iyo macallimiinta iskuulaadkooda, kormeereyaasha iyo ilaaliyaasha imtixaanka oo si xasillooni iyo nabad leh u soo gabagabeeyey imtixaanka Fasalka 8-aad.

Wasiir Fu’aad ayaa ku adkeeyey Ardayda u fariistay imtixaanka fasalka 8aad in ay isu diyaariyaan marxaladda waxabarasho ee ay u gudbi doonaan, haddii ay ku guuleystaan natiijada imtixaanka, taas oo fure u noqonaysa guul iyo horumar ay gaaraan mustaqbalkooda.

DHAMMAAD