WASIIRKA WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO MAGACAABAY GUDDI BAARITAAN OO KU SAABSAN ARDAY LAGA JOOJIYEY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH.

Garoowe, Maajo 16, 2024; Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Fuad Abshir Ahmed ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo baritaan ku sameeya xaaladda ardayda laga joojiyey imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, sannad dugsiyeedkan 2023-2024;

Wasiirka ayaa faray xubnaha Guddiga in ay baaritaan qotodheer ku sameeyaan xogta waxbarasho ee ardaydan, dugsiyada ay dhiganayeen iyo cidda leh masuuliyadda dhibaatada soo gaartay ardayda, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii ay ardaydan u sii dhammeystiran lahaayeen waxbarashadooda lana tixgelinayo duruufahooda dhaqaale.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa ku adkeeyey xubnaha guddiga oo ah dad xog ogaal u ah arrimaha waxbarashada Puntland, muddana ka soo shaqeynayey, in ay muddo Saddex maalmood ah ku soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan iyo taladooda ku aaddan xalka iyo tallaabooyinka la qaadayo.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warbaahinta iyo Wacyi-gelinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland

Facebook: