Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Kulan La Qaatay Madax ka Socotay Ololaha Caalamiga ah ee Waxbarashada GCE iyo EFASOM

Garoowe, Juun 22, 2024; Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane Fuad Abshir Ahmed oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Ololaha Caalamiga ah ee Waxbarashada GCE iyo hay’adda EFASOM.

Global Campaign For Education(GCE) ayaa xubin ka ah Iskaashiga Caalamiga ee Horumarinta Waxbarashada (GPE), waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan horumarinta waxbarashada Puntland.

Wasiir Fu’aad ayaa xusay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso dhammaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya arrimaha waxbarashada, si loo hubiyo in carruurta iyo dhallinyarada Puntland ay helaan waxbarasho tayo leh.

Dhinkooda, madaxda ka socotay GCE iyo EFASOM ayaa ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada Puntland dadaalka ay ku bixinayso horumarinta waxbarashada, iyagoo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada waxbarashada Puntland.

DHAMMAAD.