Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Hon. Fuad Abshir Ahmed ayaa kormeeray Xarummaha Imtixaanka Shahaadiga ee Waaciye iyo Qardho ee Gobolka Karkaar, isagoo xog waraystay Maamulka, Kormeereyaasha iyo Ardayda ku galayey Imtixaanka Shahaadiga ee 2024-2025.

Kormeerkan waxaa Wasiirka ku wehelinayey; Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Baarlamaanka Mudane Axmed Daad Jaamac Diiriye, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka Puntland Mudane Maxamuud Maxamed Siciid, Guddoonka Waxbarashada heer gobol iyo heer degmo.