Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Hon. Fu’aad Adeer waxa uu ugu hambalyeeynayaa Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Wabarashada Puntland, munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo.

Si gaar ah, Wasiir Fu’aad waxa uu munaasabadda Ciidda ugu hambalyeynayaa macallimiinteenna waalidiinta iyo ardaydeenna dhexda u xirtay in ay wax u bartaan naftooda, dadkooda iyo dalkooda.

Alle waxaan ka baryaynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan.

Ciid Mubaarak