WASIIRKA WASAARADDA OO KORMEERAY GOOBAHA AY IMTIXAANKA KU GALAYAAN ARDAYDA QABA BAAHIYAHA GAARKA AH
Garoowe, Maajo 26. 2024; Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Taliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed ayaa kormeeray xarummo ay ardaydu ku galayeen imtixaanaadka.
Wasiirka oo uu wehelinayo Agaasimaha Imtixaanaadka Puntland Mudane Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane) ayaa si gaar ah u dul-istaagay xaaladda ardayda baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa ay duruufuhu la soo gudboonaadeen ee sida gaarka ah imtixaanaadka looga qaadayo.
Wasiirka ayaa guul u rajeeyey ardaydan muujiyey sida ay uga go’an tahay waxbarashada iyo in ay mustaqbalka ugu shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda.
DHAMMAAD