Wasiirka Amniga Dowladda Puntland oo uu wehelinayo Xildhibaan Faarax Jaamac oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland ayaa u soo xiray Ardayda fasalka 8-aad ee magalada Timirshe ee Gobolka Bari imtixaanka Shahaadiga ah ee 2024-2025.

Wasaaraddu waxay bogaadinaysaa xasillinooda u ku qabsoomay Imtixaanka fasalka 8-aad, dadaalka ay bixiyeen Ardaydu iyo shaqada wanaagsan ee sugidda imtixaanadka ee ay qabteen Ilaaliyeyaasha, Kormereeyasha, Ciidanka Booliiska iyo howlwadeennada imtixaanku.