Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada Puntland oo furay tababar ku saabsan Tayo-dhowrka Jaamacadaha Puntland
Garoowe, May 04, 2024; Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Mudne Maxamdd Diiriye Gama’diid ayaa maanta ka furay magaalada Garowe, tababarka Madax-qaybeedyada Tayo-dhowrka Jamacadaha Puntland, kaas oo ku saabsanaa hannaanka illaalinta xeerka iyo siyaasadaha Tacliinta Sare ee Puntland.
Agaasimaha Tacliinta Sare Mudne Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa ka warbixiyey geeddi socodka Taya- dhowrka Jamacadaha iyo in la illaaliyo dhammaan nidaamyadda Tacliinta sare ee Puntland.
Tababarkan ayaa socon doona muddo labo casha ah iyo maalin ansixinta qaab-dhismeedka Tayo-dhowrka Tacliinta Sare ee Puntland, kaddibna lagu fullin doona Jamacadaha Dawladda Puntland.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warbaahinta & Xirìirka
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta sare ee Puntland
Facebook: