Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa dhagax dhigay Iskuul dadweyne oo Hoose/Dhexe, kaas oo laga hirgalinayo Magaalada Garoowe.
Wasiir Gamaadiid iyo Agaasime Jubba ayaa tilmaamay in iskuulkan uu qeyb ka yahay qorshaha ballaarinta waxbarashada aasaasiga ee ubadka Puntland, doorna uu ka qaadanayo kordhinta tirada ardayda dugsiyada aada.