WASIIR KUXIGEENKA WASAARADDA OO DAAH-FURAY URURKA JAAMACADAHA PUNTLAND
Garoowe, Juun 19, 2024 -Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Taliinta Sare Mudane Maxamed Diiriye Gamaadiid ayaa caawa daah-furay Ururka Jaamacadaha Puntland, kaas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habaynta Tacliinta Sare ee Puntland.
Wasiir Gamaadiid ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda, waxa uu ku tilmaamay Ururka Jaamacadaha Puntland mid muhiim ah oo lagu horumarinayo tayada tacliinta sare ee Puntland, isagoo sheegay in ururkan uu noqon doono madal ay jaamacaduhu ku wadaagi karaan fikradaha, khibradaha iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada sare ee Puntland.
“Waa tallaabo muhiim ah oo aan ku hubinayno in ardayda Puntland ay helaan waxbarasho tayo leh oo ka jawaabeysa baahiyaha nolasha iyo kuwa bulshada guud ahaan”.
Munaasabadda daah-furka oo ku qabsoomtay Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe waxaa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaanno, Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Puntland.
DHAMMAAD.