WASIIR KUXIGEEN WASAARADDA WAXBARASHADA OO MAGAALADA BOOSAASO KA DAAHFURAY IMTIXAANKA SHAHAADIGA AH EE PUNTLAND

Boosaaso, Majo 25, 2024; Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Diiriye Gamaadiid ayaa magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.

Wasiirka oo ay wehelinayeen Duqa Degmada Boosaaso, Guddoonka Waxbarashada heer Degmo iyo heer Gobol iyo Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ku bixinayso horumarinta iyo tayeynta waxbarashada, isagoo kula dardaarmay ardayda in ay si taxadar leh uga shaqeeyaan imtixaankooda.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Taciinta Sare ee Dowladda Puntland waxay guul u rajaynaysaa dhammaan ardayda u fariisanaysa imtixaanka.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warbaahinta iyo Wacyi-gelinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland

Facebook: