WASAARADDA WAXBARASHADA OO MAAMUUSTAY SIDOO KALENA GUDDOONTAY BUUGGA HAGE-CAAFIMAAD.
Wasiir-dawlaha Wasaraadda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, mudane Cabdisalaan Cali Faarax, oo uu weheliyo Kusimaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, mudane Maxamed Cabdicasis Qaalib, ayaa kulan maamuusid iyo kala wareegista buugga Hage-caafimaad ugu sameeyay xarunta dhexe ee Wasaaradda qoraaga buugga mudane Cabdifataax Fangase. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda ayaa ku boorriyey Cabdifataax dadaalka uu galiyay buuggan waxtarka u leh bulshada isagoo ku dhiirrrigaliyay inuu halkaas kasii wado dadaalkiisa wax qorista.