Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay uga tacsiyeynaysaa qoyska iyo bulshada Puntland ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hay’adda Dadka Baahiyaha Gaarka ah ee Puntland, Marxuum Cali Cabdi Aadan.

Nabaddoonku waxa uu door muuqda ka soo qaatay kobcinta waxbarashada iyo u qareemidda dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee Puntland, isagoo ku tilmaamnaa howlkarnimo iyo samafalnimo, kuna dadaali jiray ilaalinta nabadda iyo daryeelka dadka nugul.

Alle waxaan uga rajaynaynaa Marxuumka in uu Hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna u ka siiyo ehelka iyo qoyska uu ka geeriyooday.