Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa maanta kala wareegtay Hay’adda UNICEF qalab casri ah oo loogu talogalay fududaynta daabacaadda imtixaanka dowladda Puntland.

Munaasabadda la wareegista qalabka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Maxamed Cali Nuur Jubba, Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka Maxamuud Siciid Maxamed (Caynsane), masuuliyiin ka socotay Haya’dda UNICEF iyo shaqaalaha Xafiiska Imtixaanaadka ee dowlada Puntland.