WASAARADAHA WAXBARASHADA, XANAANADA XOOLAHA IYO BEERAHA PUNTLAND OO KA ARRINSADAY HORUMARINTA AQOONTA IYO XIRFADAHA ARDAYDA EE WAXSOOSAARKA

Shir wadajir ah oo ay guddoomiyeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Mudane Fu’aad Abshir Axmed, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane Maxamed Cabdulqaadir Saalax iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Axmed Maxamed Cartan ayaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadaha ardayda iyo shaqaalaha ee dhanka waxsoosaarka iyo tacabka, si loo helo bulsho ka faa’iideysata khayraadka dalka.

Wasaaradaha Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha Puntland ayaa isla qaatay;

• In dib-u-eegis iyo horumarin lagu sameeyo manhajka waxbarashada ee arrimaha waxsoosaarka, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha.

• Kor u qaadidda tayada tacliinta sare iyo dugsiyada farsamada gacanta.

• Xoojinta tababarada xirfadeed iyo dhisidda awoodda howlwadeennada.

Wasaaraduhu waxa ay isla qaateen, si loo xaqiijiyo fulinta arrimahaas, dhisidda guddi farsamo oo ka kooban khubaro iyo agaasimeyaal ka kala socda saddexda wasaaradood, kuwaasoo ka shaqeynaya diyaarinta qorshe hawleed dhameystiran oo ku wajahan hirgelinta manhaj casri ah iyo barnaamijyo tababaro xirfadeed oo la jaanqaadaya baahida bulshada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland