Kulanka ku saabsanaa horumarinta waxbarashada jirdhiska, caafimaadka, iyo ciyaaraha ee dugsiyada hoose-dhexe iyo sare ee magaalada Garoowe ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Waxbarashada.

Shirkan oo wadajir u guddoominayeen Wasiir Kuxigeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Diiriye Gamaadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Marwo Hodon Siciid Xasan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa doorka waxbarashada jirdhiska iyo kor u qaadista caafimaadka ardayda.

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Toosan Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xuseen ayaa soo bandhigay xaaladda waxbarashada jirdhiska, caafimaadka iyo ciyaaraha dugsiyada, waxa uuna xusay baahida loo qabo in la hagaajiyo barnaamijyada lagu dhiirrigelinayo isboortiga iyo kor-u-qaadista caafimaadka ee ardayda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay Labada Wasaaradood in la horumariyo waxbarashada dhinacyadan muhiimka ah, iyadoo lagu dhiirrigelinayo da’ yarta waxbarashada jirdhiska iyo fayo-qabka.

Ugu dambayn, waxaa la isku afgartay in si degdeg ah loo hirgeliyo barnaamij tijaabo ah oo ay soo bandhigtay Waaxda Waxbarashada Toosan, si loo qiimeeyo waxtarkiisa iyo sida uu wax uga beddeli karo kor u qaadista Waxbarashada Jirdhiska caafimaadka iyo ciyaaraha ee dugsiyada Garoowe.

DHAMMAAD.