Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fuad Abshir Ahmed oo maalmahan u joogey Gobolka Mudug howlo shaqo oo la xiriira nabadaynta iyo xal u helidda colaadda galbeedka Mudug aayaa maanta booqasho ku tagay xafiiska guddoonka waxbarashada gobolka mudug isagoo kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Waxbarshada Gobalka Mudug.

Kulanka waxaa ka qayb-galay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobalka, kormeerayaasha waxbarashada Gobalka, Guddoomiyeyaasha waxbarashada degmooyinka Gaalkacyo, Xarfo, Galdagob iyo Jarriiban.

Wasiir Fu’aad ayaa ka dhagaystay Guddoonka Waxbarashada heer gobol iyo heer degmo warbixin ku saabsan waxbarashada gobolka isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan qabashada howlaha ay u idmanyihiin.