Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdisaalan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa kulan ku saabsan diyaarinta qorshaha quudinta Iskuullada Hoose/Dhexe ee Puntland la qaatay Madaxda Hay’adda WFP.
Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda ayaa la isla qaatay in la yeesho kulan ballaaran oo lagu qiimeynayo istaatiijiyadda iyo hannaanka fulinta barnaamijka quudinta dugsiyada.