Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdisaalan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa kulan la qaatay Maamuleyaasha Jaamacadaha Puntland oo ay ka wada hadleen horumarinta tacliinta sare iyo hannaanka deeqaha waxbarashada ee Wasaaraddu ay hoggaaminayso.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Agaasinka Waaxda Tacliinta Sare iyo khubarada Wasaaradda ee horumarinta Waxbarashada.