Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland Mudane, Jubba Cali Nuur ayaa ku wareejiyay Guddoonka Waxbarashada Gobolka Raas- Casayr gaari noociisu yahay Toyota Hilux 4×4 Double oo looga Faa’iidaysanayo adeegga waxbarashada Gobolkaas.

Gaarigaan ayaa looga faa’iidaysanayaa doorkooda ku aaddan horumarinta Waxbarashada Puntland gaar ahaan Gobolka Raascasayr.

Madaxda cusub Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa xoojinaya dadaalka loogu jiro tayeynta waxbarashada dalka iyo in xoojinta adeega waxbarashada Gobollada fog fog, taas oo qeyb ka aheyd qorshaha masuulyiinta Wasaaradda ee lagu fulinayo Barnaamijka Xukumadda.

– DHAMMAAD –