Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa ka daah-furay Jamacadda Culuumta Cafimaad magaalada Boosaaso, wargeyska cilmi-baarista (Scientific Journal) ee ugu horeeyey ee laga hirgeliyo Puntland iyo guud Jaamacadaha dalka.

Agaasimaha ayaa ku bogaadiyey Jamacada Culuumta Cafimaadka Boosaaso hirgelinta wargeys ku saabsan Cilmi-baarista iyo daraasaadka, isagoo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan cilmi-baarista iyo darasaadka ku saabsan waxbarashada iyo culuumta.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Jaamacadda Culuumta Cafimaadka Puntland Marwo Najma Cabdirisaaq ayaa umahad celisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland dadaalka ay ku bixinayso tayeynta iyo horumarinta waxbarashada iyo cilmi-baarista.

DHAMMAAD.