Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo uu wehelinayo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Karkaar Mudane Bashiir Axmed Maxamuud ayaa u soo xiray arday fasalka 8-aad imtixaanaadka shahaadiga ah oo ay ku gelayeen xarummaha gobolka Karkaar.
Agaasimaha ayaa booqday deegaannada Yaka, Sheerbi, Xiddo iyo degmada Waaciye, waxa uuna kormeeray hannaanka ay xarummahaas uga socdaan imtixaanka shahaadiga.