Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay wehelinayaan Agaasimaha Imtixaanaadka Puntland iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa u soo xiray arday fasalka 8-aad imtixaanaadka shahaadiga ah oo ay ku gelayeen xarummaha gobolka Nugaal.
Wasiirka ayaa kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka iyo deegaannada gobolka ee ay ka socdaan imtixaanka shahaadiga.