Ardayda dugsiga Sare ee Degmada Dan-goroyo iyo deegaanka Sinujiif ee gobolka Nugaal ayaa maalintii 5-aad u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2023-2024.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay wehelinayaan Agaasimaha Imtixaanaadka Puntland iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa kormeeray qaar ka mid ah goobaha ay ka socdaan imtixaanku.