Ardayda dugsiga Sare ee imtixaanka ku galaysa Xarunta Gobolka Karkaar ee Magaalada Qardho ayaa maalintii 5-aad u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah, sannad-dugsiyeedka 2023-2024.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa kormeeray qaar ka mid ah goobaha ay ka socdaan imtixaanku, waxa uuna xogwareystay ardayda, kormeereyaasha iyo macallimiinta ilaalinaysa imtixaanaadka.