Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed oo ay wehelinayaan Agaasimaha Imtixaanaadka iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa soo xiray imtixaanaadka shahaadiga ah oo socday 25-30 May 2024.

Wasiirka ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda galay imtixaanka, waalidiintooda, macallimiinta iyo iskuullada ay ka tirsan yihiin, isagoo bogaadiyey hay’adaha dowladda iyo howlwadeennada ka qeyb-qaatay qabsoomidda imtixaanka.