Wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdisalaan Cali Faarax oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa Hay’adda GIZ kala wareegay dhismaha dugsiga Xarunta Farsamada Gacanta ee Garoowe, halkaas oo laga hirgeliyey fasallo iyo agab lagu baranayo farsamada gacanta ee beeraha, dhismaha iyo korontada.