Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa kormeeray Xafiiska Imtixaanaadka Puntland oo ay ka socoto lifaaq jaridda iyo sameynta lanbar-sireedka waraaqaha Ardayda.
Hannaanka imtixaan saxidda Puntland ayaa ku saleysan daah-furnaan, maadaama Wasaaraddu ay mudnaan siiso in macallimiintu ay saxaan warqadaha imtixaanka Ardayda oo aysan magacyadoodu ku dhaganayn, baddelkeedna la isticmaalayo lanbarro summad u ah arday kasta.