Agaasimaha Waaxda Tababarrada Macalimiinta Mudane Cabdullaahi Axmed oo ay wehelinayaan Agaasimaha Waaxda Waxabarashada Toosan Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xuseen iyo Guddoomiyayaasha Waxabarashada heer gobol ayaa tababar u soo xiray macalliimiin la diyaarinayey muddo 3 sano ah, kuwaas oo iyaguna sii tababari doona macallimiinta dugsiyada Puntland.