Garoowe, Ogostoo 06, 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba oo ay wehelinayaan Madaxda Waaxda Tacliinta Sare iyo Khubaro ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa kulan ku saabsan xiriirka dhanka waxbarashada la qaatay Qunsulka dalka Itoobiya ee magaalada Garowe.
Kulankan ayaa lagu falaanqeeyey Deeqaha Waxbarashada ay bixiso dawladda Itoobiya iyo sidiii loo waafajin lahaa baahiyaha iyo fursadaha Puntland ee dhanka ganacsiga, maamulka iyo adeegyada oo ay muhiim tahay in lagu jaan-gooyo deeqaha waxbarashada ee tacliinta sare, gaar ahaan Master Degree-ga iyo Ph.D-da.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland ayaa qabanaysa imtixaan ay ardaydu u galayaan Deeqdaha Waxbarasho ee heerka sare, taas oo ka turjumaysa hannaanka daah-furnaanta maareynta deeqaha waxbarashada.
DHAMMAAD