PUNTLAND OO BILOWDAY TABABARKA MACALLIMIINTA EE MANHAJKA CUSUB
Garoowe, Jun 10, 2024; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa maanta tababar u furay Tababareyaasha Macallimiinta ee Manhajka cusub.
Agaasimaha ayaa sheegay in la tababarayo 2500 macallin, kuwaas oo iyaguna ku sii tababari doona macallimiinta Puntland manhajka cusub ee dugsiyada Hoose oo lagu jaangooyey baahiyaha aqooneed iyo garasho ee ubadkeenna.
Macallimiinta Boosaaso ee aan hadda ku sugnayn magaaladaas waxaa la farayaa in ay iska diiwaan geliyaan magaalooyinka Qardho, Garoowe, Gaalkacayo iyo Badhan, si ay uga qayb qaataan tababarkan muhiimka ah.
Dowladdu waxay si dhaw ula socon doontaa sida ay macallimiinta u fuliyaan tababarka la siiyey, iyadoo la siin doono shahaadooyin cadeynaya in ay qaateen tababarka manhajka dugsiyada hoose ee Puntland.
DHAMMAAD.