OGAYSIIS KU SOCDA ARDAY SOO CODSADAY DEEQO WAXBARASHO
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland waxa ay ogaysiinaysaa dhammaan ardaydii soo xeraystay Deeqda Waxbarashada ee heerka labaad (Master) ee Dalka Itoobiya in ay Imtixaanka gali doonaan maalinta Arbacada bishuna tahay (21/8/2024).
Imtixaanka waxaa lagu gelidoonaa Xarunta dhexe ee Jamacadda PSU Garowe, markay saacaddu tahay 8:00am subaxnimo.
Haddaba waxaa dhammaan ardayda la ogaysiinayaa in ay ku soo xeroodaan Garoowe ka hor (20-8-2024).
Arday waliba waa inuu soo qaataa aqoonsigiisa iyo laptobkiisa haddii Alle idmo.
WAA BILLAAHI ALTOWFIIQ.