MASUULIYIINTA WASAARADDA OO KULAN LA QAATAY HAY’ADDA WORLD VISION IYO WAFTI KA SOCDAY IRISH AID OO TAAGEERO MASHAARIICDA WAXBARASHADA
Garoowe, Sebteembar 28 2024; Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdisalaan Cali Faarax Biligseey oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Ali Nour Jubba ayaa kulan la qaatay Madaxda Xafiiska Puntland ee Hay’adda World Vision
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kala hadlay Hoggaanka World Vision ee Puntland inay wadaan shaqooyinkii ay ka wadeen Gobolada iyo degmooyinka.
Wasiir-dowlaha iyo Agaasimaha oo uga mahadceliyey Hay’adda World Vision ayaa tilmaamay qorshaha dowladdu ay ka leedahay kor u qaadista hiigsiga Waxbarashada iyadoo la xaqiiijinayo yoolka muhiimada Waxbarashada.
Madaxda Wasaaradda ayaa soo bandhigay qorshaha yaal cusub inay Hay’ada World Vision ku darto adeegyo cusub si loo gaarsiiyo Gobolada kale.
Dhankooda, Madaxda Hay’adda World Vision ayaa ku ammaanay dowladda Puntland mudnaanta ay siinayaanayso Waxbarashada.