Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay u mahad-celinaysaa bah-wadaagta waxbarashada ee Wasaaradaha Dowladda Puntland iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka qeyb-qaatay Shirweynaha Dib U eegista Waxbarashada Puntland “JRES2024”.

Sidoo kale, Madaxda Wasaaraddu waxa ay si gaar ah u bogaadinayaan Howlwadeennada Wasaaradda, Guddoonka Waxbarashada heer Gobol iyo heer degmo ee Puntland, Maamuleyaasha iyo Madxda xarummaha Waxbarashada aas-aasiga ah iyo Tacliinta Sare, Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed iyo macallimiinta oo qeyb ka ahaa Shirweynahan.