MADAXDA WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND OO KA QEYB-GALAY SHIRKA JIHEYNTA XUKUUMADDA
Garoowe: Maajo 18, 2024: Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa ka qeyb-galay Shirka Jiheynta Xukuumadda oo maanta uu furay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uuna wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor
Shirka jiheynta Xukuumadda ayaa lagu soo bandhigaya qorshaha shaqo ee Xukuumadda horyaalla, iyadoo Wasaaraddu ay ku soo bandhigayso madasha shirka hiigsiga ku aaddan tayeynta iyo horumarinta waxbarashada Puntland.
Furitaanka Shirka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise, Golaha Joogtada ah Baarlamaanka, Golaha Garsoorka, Golaha Xukuumadda , Agaasimeyaasha Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Khuburada dowlad-dhiska..
-DHAMMAAD-