Garoowe Oktoobar 16, 2024: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdisaalan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa kulan is-xogwaraysi ah la qaatay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Puntland oo kormeer ku yimid Wasaaradda.

Hoggaanka Wasaaradda ayaa uga warbixiyey Xildhibaannada, qorsheyaasha hirgalay ee horumarinta waxbarashada iyo xaaladaha ardayda, iyagoo soo bandhigay dadaallada lagu xallinayo caqabadaha waxbarasho ee deegaannada qaarkood ka jira.

Xubnaha iyo Guddoonka Guddiga ayaa su’aalo ku saabsan xaaladda waxbarashada Puntland waxay weydiiyeen Hoggaanka Wasaaradda, iyagoo xoojiyey doorka korjoogteynta ee Baarlamaanka.

DHAMMAAD