MADAXDA WASAARADDA WAXBARASHADA OO KULAN LA QAATAY HOGGAANKA HAY’ADDA GIZ

Garoowe, Juun 25, 2024; Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Fuad Abshir Ahmed oo ay wehelinayaan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Mudane Maxamdd Diiriye Gamadiid, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdisaalan Cali Faarax iyo Agasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa kulan la qaatay Madaxda Hay’adda GIZ.

Wasiir Fu’aad oo uga mahadceliyey Hay’adda GIZ dhismaha xarummaha dugsiyada farsamada gacanta ee Garoowe iyo Waaciye ayaa tilmaamay qorshaha dowladdu ay ka leedahay kor u qaadista aqoonta farsamada, iyadoo la soo saarayo ardey xirfadleyaal ah oo ka faa’iideysan kara fursadaha shaqo ee dalka.

Madaxda Wasaaradda ayaa soo bandhigay qorshaha howlgelinta dugsiyadan farsamada gacanta oo ah kuwo loo dhisay qaab casri ah, lagana hirgelinayo fasallo iyo agab lagu baranayo farsamada gacanta ee beeraha, dhismaha iyo korontada.

Dhankooda, Madaxda Hay’adda GIZ ayaa ku ammaanay dowladda Puntland mudnaanta ay siinayaan kobcinta xirfadaha dhallinayarada iyo qorshaha Wasaaradda ee howlgelinta xarummaha farsamada gacanta ee ay ku wareejiyeen ee Garoowe iyo Waaciye.

DHAMMAAD.