MADAXDA WASAARADDA WAXBARASHADA OO KORMEERAY XARUNTA IMTIXAANAADKA PUNTLAND
Garoowe, Luulyo 10, 2024: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Mudane Cabdisaalan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa booqday xarunta Imtixaanaadka Puntland si ay ugu kuur galaan habsami u socodka hawlaha sixitaanka imtixaanka.
Intii lagu guda jiray kormeerka, madaxdu waxay la kulmeen Agaasinka Imtixaanaadka, macallimiinta iyo howlwadeennada sixitaanka imtixaannada, waxayna ka dhegeysteen warbixin ku saabsan marxaladda kala duwan ee hawsha sixitaanka iyo sida loogu hubinayo in ay noqoto mid hufan oo cadaalad ah.
Wasiir Maxamed Diiriye Gamadiid ayaa uga mahadceliyay howlwadeennada iyo maamulka xarunta shaqada adag ee ay hayaan iyo sida ay ugu heellan yihiin in ay hubiyaan in ardayda Puntland ay helaan natiijooyin caddaalad ah oo ku saleysan aqoontooda iyo dadaalkooda.
Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo tayada waxbarashada iyo imtixaannada si loo horumariyo mustaqbalka dhallinyarada Puntland.
DHAMMAAD.