Garoowe, Oktoobar 28, 2024; Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa kulan is-xogwaraysi ah la yeeshay Xildhibaannada heer Federaal ee dhowaan soo gaarey Puntland, kuwaas oo booqday qaar kamid ah xarummaha hay’adaha dowladda.
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa la wadaageen xildhibaannada warbixin la xiriirta shaqada wasaaradda, caqabadaha jira iyo guud ahaan arrimaha waxbarashada Puntland.
Dhankooda, Xildhibaannada heer Federaal oo ay booqashada ku weheliyeen xubno ka tirsan golaha wakiillada dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyey madaxda Wasaaradda soo dhaweynta diirran iyo xogta dhammeystiran ee ay la wadaageen.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyey sidii Xildhibaannada Heer Federaal ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen xal u helidda caqabadaha ka jira xiriirka iyo wadashaqeynta dhanka Wasaaradda Waxbarashada heer Federaal.
DHAMMAAD