Kulanka oo ujeeddadiisu ahayd dib-u-eegista iyo qiimaynta wixii qabsoomay 2024kii iyo sidoo kale soo gudbinta qorshaha sannadka 2025 ayaa ka qabsoomay Wasaaradda Waxbarashada.
Kulanka oo ay soo agaasintay Waaxda Qorshaynta ee WW&TS ayaa socon doona muddo toddobaad ah. Maalin walba laba hay’adood ayaa lala kulmi doonaa.
Maanta waxaa lala kulmay hay-adaha SAVE THE CHILDREN iyo KAALO NEDERLAND.
Wasiir-dawlaha Wasaaradda, mudane Cabdisalaan Cali Faarax, ayaa shirka si rasmi ah u furay, isaga oo soo dhaweeyey wada shaqaynta hayadaha iyo Wasaaradda Waxbarashada.
Agasimaha Qorshaynta Wasaaradda Waxbarashada, Maxamed Qaalib, ayaa soo jeediyay ujeeddada shirkan oo socon doona muddo toddobaad ah. Waxaa la naawilayaa in dhammaadka toddobadaas maalmood la isla gaadho natiijo wanaagsan iyo is-afgarad dhex mara Wasaaradda Waxbarashada iyo hayadaha bahwadaagta la ahba.