HAMBALYO MUNAASABADDA CIIDDA
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland waxay munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa awgeed hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Bulshada Puntland.
Wasaaraddu waxa ay si gaar ah ugu hambalyeynaysaa macallimiinta, ardayda, maamullada heer iskuul, heer Jaamacadeeda iyo dhammaan bahda waxbarashada.
Munaasabaddan barakeysan waxay fursad u tahay in aan garab istaagno dadkeenna nugul, kana shaqeynno danta guud oo ay ugu horreyso horumarinta waxbarashada oo aasaas u ah mustaqbal wanaagsan oo dalkeennu gaaro.
Alle waxaan ka rajaynaynaa nabad, barwaaqo iyo horumar.
Ciid Mubaarak.