Hambalyo ku aaddan Maalinta Shaqaalaha Adduunka – 1-da May
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay hambalyo u diraysaa dhammaan bahda waxbarashada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May.
Maanta oo kale waa maalin lagu xuso qiimaha shaqada iyo kaalinta lama huraanka ah ee ay shaqaaluhu ku leeyihiin horumarinta bulshooyinka, gaar ahaan shaqaalaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin macallimiinta, maamulka, iyo hawl-wadeennada Waxbarashada.
Shaqaalaha Waxbarashadu waxa ay laf-dhabar u yihiin dhismaha bulshada Puntland. Shaqadooda joogtada ah, dadaalkooda aan kala go’a lahayn iyo kartid