Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay hambalyo ah ku aaddan munaasabadda farxadda leh ee Ciidul-Fidriga u diraysaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntland.
Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu hambalyaynaysaa macallimiinta, ardayda iyo dhammaan bahda waxbarashada oo ku howllanaa arrimaha waxbarashada, iyagoo gudanayey waajibaadka iyo acmaasha bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Alle waxaan ka baryeynaa in uu ina ka aqbalo soonkii, salaadda iyo guud ahaan acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudunnay Bisha barakaysan ee Ramadaan.
Ciida farxad, caafimaad iyo nabad leh.
Ciid Mubaarak.