Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay u hambalyeynaysaa dhammaan iskuullada u soo gudbay wareegga Labaad ee Barnaamijka Tartan iyo Tacliin.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxa ay bogaadinaysaa Macallimiinta, Guddiga tartanka iyo Warbaahinta Daljir ee tooska u tabinaysa, iyadoo muujinaysa muhiimadda tartankan uu u leeyahay kobcinta wacyiga iyo garashada Ardayda Soomaaliyeed.

Dhammaan Iskuulladii tartamay waxaan ku ammaanaynaa dadaalka ay bixiyeen iyo anshaxa wanaagsan ee ay muujiyeen, muddada uu socdo tartanku.

Hambalyo 14-ka Iskuul ee u gudbay Wareegga 2-aad.