Gobolka Hayland ayaa markii ugu horreysay laga dhigay xarun Imtixaan, waxaana la asteeyey 8 goobood oo ardayda gobolku ay ku galeen imtixaanka.

Duqa Degmada Dhahar Mudane Bashiir Maxamed Ciise oo ay waheliyaan, Agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dheereeye) iyo Guddoonka Waxbarashada heer Gobol iyo Heer Degmo, iyo Taliska Qeybta Gobolka Haylaand ayaa ka daahfuray Dugsiga Sare ee Degmadda Dhahar Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad Dugsiyeedka 2023-2024.