Garoowe, April 04, 2024: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane, Hon. Fu’aad Adeer oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Diiriye Gama’diid, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Jubba Cali Nuur ayaa qaabilay madaxa xafiiska Puntland ee Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay ( WFP) Mr. M. Sashidharan.

kulanka ayaa looga hadlay wada-shaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradda & Hay’adda WFP, sidii loo dardar-gelin lahaa mashruuca quudinta Ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Puntland.

Sidoo kalena, waxaa la isla qaatay sidii la isaga kaashan lahaa hirgelinta arragtiyo cusub oo la xiriira mashaariic isku dhafan oo laga fuliyo goobaha wabarashada tooska ah iyo tan dadban.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland

Facebook: