Garoowe: 18 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane, Hon. Fu’aad Adeer oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Maxamed Diiriye Gama’diid, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cali Faarax.

Wasiirka ayaa Golaha Xukummadda ayaa warbixin ka siiyey arrimaha waxbarashada guud ahaan iyo qorshaha wasaaradda ee ku aaddan imtixaanka shahaadiga ah ee dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada guud ee Amniga, Waxbarashada, Arrimaha Cadaalada, warbixin ku aadan banaynta dhulka Biyo mareenka ah ee Qardho, Qarshaha bandhiga jiheynta Hay’addaha dowladda iyo qodobo kale.

-DHAMMAAD-