Garoowe: Tababar ku saabsan hirgelinta Manhajka Waxbarashada Puntland ayaa loo qabtay Maamulayaasha Dugsiyada Hoose Dhexe, tabobarka oo ka qabsoomay hoolka Xafiiska Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal ayaa la siiyay Maamulayaasha casharo la xiriira Manhajka iyo sidii ay u hirgelin lahayeen Manhajka Sanad Dugsiyeedka Waxbarashada ee innagu soo food leh.
Dhanka kale, waxaa weli u socda Macalimiinta Dugsiyada Hoose Dhexe tabobar Manhajka Waxbarashada Puntland.
Tobabarka oo in muddo ah u socday, waxaa ka faa’ideystay boqolaal macalimiin ah oo wax ka dhiga dugsiyada Hoose Dhexe ee Gobolka Nugaal iyo Macalimiin ka timid Gobolada Puntland kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Garoowe.