Degmada Carmo ee Gobolka Bari
Kulliyadda Waxbarashada Macallimiinta ee BTEC ayaa ka hawl gashay dagamada Carmo gaar ahaan xarunta Tababbarka Macalliminta ee Carmo.
Kulanka furitaanka waxaa ka soo qayb galay Guddomiyaha Waxbarashada degmada Carmo, maamulaha Kulliyadda Waxbarashada Macallimiinta BTEC, Guddoomiyaha maxkamadda degmada iyo maamulayashaasha dugsiyada sare ee dagmada Carmo hoos yimaada.
Macallimiinta Tababarka loo oo furay kulliyadda ayaa kor u dhaafaya 30 macallin kuwaas oo isugu jira qaybaha macallinnimada ee kala duwan
Daahfurka ayaa ku soo idlaaday jawi deggan.