Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbaashada iyo Tacliinta Sare ee Dawlada Puntland Mudane Cabdisalaan Cali Faarax ayaa caawa si daahfuray wareegga 2-aad ee Barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo ay usoo gudbeen 14 Iskuul oo kamid ah 28 kii Iskuul ee Tartamayey.

Wasiirka oo uu wehelinayey Agaasimaha Waxbarashada Tooska ah ee Wasaaradda Mudane Cabdirsaaq Maxamed Xuseen Maanmaal ayaa hambalyo u diray dhammaan iskuullada u soo gudbay wareegga 2-aad, isagoo kula dardaarmay in ay si wanaagsan u matalaan Ardayda, macallimiinta iyo iskuullada ay matalayaan.